Dibadbaxyo lagu dalbanaya inuu ra’iisul wasaaraha is casilo oo ka dhacay Haiti

0
466

Kumanaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Haiti.
Waxay dalbanayaan inuu xafiiska banneeyo ra’iisul wasaaraha wadankaasi Ariel Henry.
Dibadbaxa ayaa billowday saacado un ka hor inta golaha ammaanka ee qaramada midoobay uunan ku kala qaybsamin u codeynta qorsho ciidamo heer caalami ah loogu diraya Haiti.
Tani ayaa la doonayo in wax looga qabto xaaladda amni ee hoos u dhacday ka dib markii burcad ay qabsadeen dekadda ugu muhiimsan iyagoo hor istaagay gudbinta shidaalka.