Justin Muturi oo uu madaxweynaha wadanka William Ruto u magacaabay xilka xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in hantidiisa ay gaareyso 700 oo milyan oo shilinka dalka ah.
Waxaa uu arrintan daaha ka qaaday xilli uu barqadii maanta ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee loo xilsaaray turxaan bixinta golaha wasiirrada cusub.
“Waxaan ahay shaqaale dowladeed oo dhexdhexaad ah oo haysta lacag qiimaheydu gaareyso 700 oo milyan oo shilin oo aan ka helo beeralayda iyo la talinta sharciga,” ayuu yiri Mr. Muturi.
Hasa ahaate bishii 11-aad ee sanadkii hore ee ayuu guddoomiyihii hore ee golaha qaran ee xeer dejinta uu hantidiisa xilliigaasi ku sheegay 300 oo milyan oo shilin.
Tani ayaa ka dhigan in hantidiisu ay laba jibaarantay muddo 10 bilood gudahood.
Isla maanta waxaa la turxaan bixin doonaa Aadan Barre Ducaale (Difaaca), Alfred Mutua ( Arrimaha dibadda iyo qurbajoogta), Alice Muthoni Wahome (biyaha iyo maareynta wasaqda).
Guddigan ayaa laga doonaya inuu turxaan bixinta ka dib warbixin u gudbiyo baarlamaanka si xildhibaannada ay muddo 28 cisho gudaheeda ah u ansixiyaan ama dhinac iskaga dhigaan magacyada dadka uu Ruto rabo inay qabtaan xilalka wasiirrada.
The immediate former Speaker of the National Assembly and the President’s nominee for the position of the Attorney General, the Hon. Justin Muturi is currently appearing before the Committee on Appointments for vetting. @SpeakerJBMuturi pic.twitter.com/gJSwgL3HZl
— National Assembly KE (@NAssemblyKE) October 17, 2022