Musalia Mudavadi oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay madaxa wasiirrada ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee maanta la turxaan bixiyay.
Waxaa uu ka soo hormuqday 15-ka xubnood ee guddiga golaha qaran ee xeer dejinta ee qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabay xilalka dowladda.
Afhayeenka baarlaamaanka dalka Moses Wetangula ahna guddoomiyaha guddiga turxaan bixinta ayaa Mudavadi waydiiyay inuu wax xil ah ka soo qabtay xisbi siyaasadeed, wuxuuna ku jawaabay haa.
Waxaa uu sheegay in xilkii ugu dambeeyay ee uu ka soo qabtay xisbi siyaasadeed uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga ANC.
Mudavadi ayaa la waydiiyay inuu weli yahay hoggaamiyaha xibiga ANC.
Hasa ahaate uu ku jawaabay inuusan si hoggaamin doonin xisbigaasi.
Guddiga baarlamaanka ee qaabilsan turxaan bixinta ayaa sidoo kale Mudavadi waydiiyeen qiimaha hantidiisa.
Waxaa uu sheegay in hantidiisu ay qiimo ahaan tahay 4 bilyan oo shilin.
Mr. Mudavadi ayaa intaasi ku daray in hantida u haysto ay qayb ka tahay saamiga shirkado kala duwan oo ganacsi iyo guryo uu leeyahay.
Jagadii ugu dambeysay ee Mudavadi uu ka qabtay dowladda ayaa ahayd intii u dhexeysay sanadihii 2008 ilaa 2013-kii, muddadaasi oo uu soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka dowladda hoose, xilligaasi uu madaxweyne dalka ka ahaa Mwai Kibaki.