Nin loo haysto toogashada sarkaalkii ilaalinayay Ida Odinga oo la xiray

0
383

Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ku xiray nin looga shakisan yahay inuu toogasho ku dilay sarkaal ilaalo u ahaa marwada hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Mama Ida Odinga.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Kisumu.
Tuhmanaha ayaa shalay qabteen saraakiisha ammaanka ayaa lagu magacaabaa Collins Oulo Okundi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la helay bastoolad la rumeysan yahay inuu lahaa sarkaalka la dilay.
Taliyaha booliska ee gobolka Nyanza Karanja Muiruri ayaa xaqiijiyay xariga eedeysanaha.
Waxaa uu sheegay in lagu hayo Eldoret balse loo gudbin doono Kisumu.
Collins ayaa ku eedeysan in habeenimadii ay Jimcada soo galeysay uu bastooladda ka dafay Barrack Jaraha ka hor inta uunan toogan.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay haweeney iyo qof kale oo rag ah oo ay Barrack wada socdeen.