DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dib loo furayo degaannada ay go’doomiyeen Al-Shabaab

0
269

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato iyo gumeysi ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalkaasi.
Waxaa uu xusay in dadka Somaaliyeed ay xilligaan fahmeen dhibaatada uga imaaneysa Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la isku furo degaannada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay xoojinta kacdoonka Bulsho ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda kacdoon iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.