Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo ku sugan caasimadda Rwanda ee Kigali ayaa kenyaanka qurbajoogta ah ku boorriyay inay noqdaan ‘safiirro’ wanaagsan.
Waxaa uu kula taliyay inay dadalaan oo ay ilaaliyaan xeerarka u degsan waddamada ay ku nool yihiin.
Gachagua ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame uu ku faraxsan yahay kaalinta ay kenyaanka ku biirinayaan kobaca dhaqaalaha wadankaasi.
Rigathi ayaa intaasi ku daray in dowladda dhexe ay soo dhisaysa wax qaabilsan arrimaha qurbajoogta.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay madaxweyne Kagame oo uu ku wargeliyay in dowladda Kenya ay billaabaysa hannaan maalgashi oo u gaar ah muwaadiniinta ku nool waddamada kale ee caalamka.
Waxaa shirkaasi ku wehelinayay guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi iyo 12 xildhibaan oo Kigali u tagay ka qayb galka shirka sanadlaha ah ee isku xirka dhallinyarada qaaradda Afrika.