Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka soo hadlay warbaahinta maalmo ka dib markii la sheegay inuu geeriyooday

0
411

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay farriin maqal ah oo ka timid afhayeenka guud ee kooxdooda Sheekh Cali Dheere, maalmo ka dib markii la sheegay inuu ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan.
Al-Shabaab ayaa sheegay inuu Cali Dheere farriintaan ka soo diray deegaanka Yasooman, halkaas oo ay sheegeen inay shalay subax dagaal ku qabsadeen, islamarkaana ay ku dileen in ka badan 117 askari oo ciidanka dowladda iyo macaawisleyda ka tirsan, kuna furteen hub iyo gaadiid dagaal.
In kastoo dowladda Soomaaliya ay beenisay in Shabaab qabsaday Yasooman, haddana kooxda waxay sheegtay in Afhayeenkooda tagay Yasooman, halkaasna uu ka soo diray farriinta ku saabsan dagaaladii ay shalay ku qaadeen dhowr deegaan.
Al-Shabaab ma aysan soo bandhigin wax caddeymo ah sida sawir iyo muuqaal muujinaya qabsashadooda Yasooman iyo inuu halkaas tagay Cali Dheere, oo warar maalmahan dambe soo baxayay ay sheegayeen inuu u ku geeriyooday dagaalkii Ceel Qooxle.
Kalmad toban daqiiqo soconeysay ayuu Cali Dheere farriin hanjabaad ah ugu diray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda, isagoo sheegay inay ku beegsanayaan meel kaste oo ay joogaan.