Waxaa la ansixiyay xubnaha guddiga baarlamaanka wadanka u qaabilsan inay turxaan bixin ku sameeyaan shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda.
Mooshin wargelin ah oo uu maanta soo saaray hoggaamiyaha aqlabiyadda , Kimani Ichungwah ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Baarlamaanka ayaa intaasi ka dib ansixiyay magacyada 21-ka xubnood ee la doonayo inay turxaan bixiyaan wasiirrada magacaaban.
27-kii bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka William Ruto uu soo magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 22.
Xubnaha la meel mariyay ayaa waxaa soo xulay guddiga howlaha baarlamaanka waxayna kala yihiin xildhibaanka deegaanka Belgut ,Nelson Koech Rahab Wachira Mukami ( wakiilka haweenka ee Nyeri),Dido Cali Raso( mudanaha deegaanka Saku), dhigiisa deegaanka Tharaka ,George Gitonga Murugara, David Gikaria( Bariga Nakuru),Mary Emase (Koonfurta Teso ) Ferdinand Wanyonyi(mudanaha deegaanka Kwanza ee Trans-Nzoia),Junet Maxamad(Bariga Suna), Caleb Amisi (Saboti), Stephen Mule (Matungulu) ,Cabdi Cumar Shuuriye (Balambala), Naisula Lesuuda (Galbeedka Samburu),David Pkosing(Koonfurta Pokot ), Mishi Mboko (Likoni) iyo xildhibaanka Waqooyiga Imenti Cabdulraxiim Daawood oo si madax bannaan ugu biiray baarlamaanka.
Siyaasiyiintan oo uu hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka sidoo kalena ay ka mid yihiin hoggaamiyaha aqlabiyadda , madaxa isbeheysiga laga tirada badan yahay iyo ku xigeenadooda ayaa la doonayo inay ka hor ama ugu dambeyn 27-ka bishan baarlamaanka u gudbiyaan warbixin ku saabsan turxaan bixinta wasiirrada cusub.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xildhibaannada ka tirsan isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya ay ballanqaadeen inaynan fududaysan doonin turxaan bixinta maadaama ay dhaliilsan yihiin qaar ka mid ah xubnaha.