DHAGEYSO:Isbeheysiga Azimio oo ka soo horjeestay go’aan uu qaatay guddoomiyaha baarlamaanka

0
339

Isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya ayaa ku hanjabay inuu maxkamadda geyn doono dacwad uu uga soo horjeedo go’aan ka soo baxay guddoomiyaha baarlamaanka wadanka Moses Wetangula.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in aynan ku qancin in Wetangula uu ku dhawaaqay in Kenya Kwanza ay aqlabiyad ku leedahay golaha qaran ee xeer dejinta.
Musyoka ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankan uu liddi ku yahay dastuurka wadanka u degsan iyo xeerarka xisbiyada siyaasadeed sidaas awgeedna aan la aqbali karin inuu dhaqangalo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa Khamiistii la soo dhaafay shaaciyay in xubnaha baarlamaanka ee matalaya isbeheysiga Kenya Kwanza ay yihiin 179 halka Azimio la Umoja- One Kenya ay gaarayaan 157.
Wetangula ayaa sheegay in 14 xildhibaan oo ka tirsan xisbiyada UDM, MCCP, MDG iyo PAA ay ka mid yihiin isbeheysiga Kenya Kwanza oo ay heshiis la galeen ka dib doorashadii guud ee 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka loo magacaabay xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu Anthony Kimani Ichung’Wah oo uu ku xigeen u yahay dhigiisa Waqooyiga Kilifi Owen Baya.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee Azimio waxaa baarlamaanka ku hoggaamiya xildhibaanka deegaanka Ugunja ee ismaamulka Siaya Opiyo Wandayi waxaana ku xigeen u ah Robert Mbui.
Hasa ahaate madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku doodaya in Kenya Kwanza aynan si sharci ah ku helin aqlabiyadda isagoo guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula ugu baaqay inuunan oggolaan in si khalad ah loo adeegsado.