Ismaamulka Wajeer oo la gaarsiiyay tallaalka COVID-19

0
671

Dowlad deegaanka Wajeer ee gobolka waqooyi bari ayaa la gaarsiiyay qaybtii ugu horreysay ee tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Daawooyinkan oo ah ilaa 6000 ayaa loogu talagalay howlwadeenada caafimaadka waxaana lagu wareejiyay waaxda caafimaadka ee ismaamulkaas.
Waxaa sidoo kale tallaalka ka faa’iidaysan doono shakhsiyaadka bixiya adeegyada muhiimka ah sida macallimiinta, ciidamada qaybahooda kala duwan iyo saraakiisha waaxda socdaalka.
Wajiga labaad ee tallaalka waxaa ka faa’iidaysanaya dadka ay da’doodu ka sarreyso 50 sano ee xanuunada gaarka ah qabo.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Wajeer oo uu hoggaaminayo Dr. Daahir Somow oo ah agaasimaha adeegyada caafimaadka ayaa kulan la qaatay wakiillo matalayay deegaannada ka hor inta aan si rasmi ah berri loo soo bandhigin tallaalka COVID-19 .
Dhanka kale dowladda ismaamulka Mandera ayaa billowday in ay shacabka ku sameyso wacyigelin ku aaddan tallaalka cudurka COVID-19 ee halkaas la gaarsiiyay.
Wasiirka caafimaadka ee Mandera Dr. Maxamuud Aadan Maxamad ayaa sheegay inay la wareegeen ilaa 6000 oo ah daawooyinka tallaalka wuxuuna dadweynaha u xaqiijiyay in tallaalka uu yahay mid aan wax u dhimeyn caafimaadka qofka la siiyo.