Tallaalka ka dhanka ah COVID-19 oo ka socdo ismaamullada

0
540

Waxaa tan iyo Isniintii ismaamullada wadanka ka socdo bixinta tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Daawadan ayaa ah nooca loo yaqaano Astrezeneca waxaana looga gol-leeyahay in lagula tacaalo faafitaanka caabuqa.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wajigan koowaad 1.25 milyan oo Kenyaan ah oo ay ka mid yihiin dhakhaatiirta, booliska iyo macallimiinta ay ka faa’iidaystaan tallaalka.
Ismaamulka Kisumu ayaa sheegay inuu qorsheynayo in caabuqa corona uu ka tallaalo ugu yaraan 4,000 oo ah howlwadeenada caafimaadka.
Tirada dhakhaatiirta ee la siinaya tallaalka ee dowlad deegaanka Migori ayaa ah 7000, Narok tiradan waxay tahay 1200 .
Dhanka Mandera wasiirka caafimaadka Maxamuud Eda waxaa uu sheegay in halkaas la gaarsiiyay 6,000 oo ah daawooyinka tallaalka.