TSC oo beenisay in ay macallimiin badan ka wareejin doonto dugsiyada ay ka howlgalaan

0
421

Guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiro qorsho ballaaran oo lagu beddelaya in badan oo ka mid ah barayaasha wadanka.
Bayaan ay TSC soo saartay ayay ku sheegtay in qoraal ay warbaahintu soo xigatay oo ku taariikhaysan 26-kii bishii hore uu ahaa mid ku saleysan uruurinta xogaha shaqaalaha dugsiyada si qorsheyn loo sameeyo.
Madaxa fulinta ee guddigan Dr. Nancy Macharia ayaa sheegtay in hadda aynan goobaha ay ka shaqeyaan ka wareejin doonin macallimiinta maadaama la tixgelinaya saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay howlaha tacliinta iyo imtixaannada qaran ee dhawaan ay ardaydu sameyn doonaan.
Waxay wadanka u xaqiijisay in keliya la buuxin doono jagooyinka bannaan ee dhanka macallinimada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sanadkan ay imtixaanada qaran ee shahaaddiga ah u fariisanayaan 1,938,667 oo arday ah.
Imtixaannada fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE ayaa billaabanaya 22-ka bishan waxayna dhammaanayaan 24-ka maarso halka KCSE oo ay sameyaan ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare la billaabi doono 26-ka bishan ilaa 21-ka bisha afaraad.