DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo socdaal lama filaan ah ku tagay baarlamaanka

0
339

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay socdaal lama filaan ah oo uu madaxweynaha dalka William Ruto ku tagay xarunta golaha qaran ee xeer dejinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio ay ku muransan yihiin cidda baarlamaanka ku leh aqlabiyad.
Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa socdaalka Ruto ku fasiray mid looga gol-lahaa in lagu saameeyo go’aanka uu guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula arrintan ka soo saaraya.
Hasa ahaate waxaa dareenkaasi gaashaanka u daruuray mudanaha laga soo doortay bariga ismaamulka Kitui Nimrod Mbai.

Xildhibaanka bariga Mwingi ,Charles Nguna ayaa dhankiisa sheegay in socdaalka Ruto uunan caadi ahayn oo uu faragelin karo madax bannaanida baarlamaanka.