DHAGEYSO:Shacabka Eldama Ravine oo dibadbax dhigay

0
324

Dadweynaha ku nool magaalada Eldama Ravine ee ismaamulka Baringo ayaa maanta sameeyay dibadbax ay waddooyinka ku xireen.
Waxay ka cabanayaan waddo aan tayo ahaan wanaagsanayn oo ay ka dhaceen shilal dad badan ku dhinteen.
Shacabka ayaa dowladda ugu baaqay inay la xisaabtanto qandaraaslaha dhisay waddadaasi oo ay ku eedeynayaan inuunan sidii laga doonayay u hirgelin.