Barasaabka Embu oo sheegtay inay dabagal ku sameyn doonto dab ay 7 qof ku dhinteen

0
338

Guddoomiyaha ismaamulka Embu ,Cecily Mbarire ayaa wacad ku martay inay ku dadaalayso in la ogaado sababta keentay dhacdo dab ah oo ay dhawaan ku dhinteen toddobo qof.
Dadkan oo ka wada tirsan hal qoys ayaa ku noolaa tuulada Ngimari ee deegaan baarlamaneedka Runyenjes .
Mbarire ayaa laga soo xigtay inay ciidamada ammaanka ka dalbatay inay dedejiyaan baaritaannada ku aaddan dhacdadan oo la soo tabiyay aroornimadii hore ee Axaddi.
Barasaabka ayaa sheegtay in guriga gubtay uunan koronto ku xiriirsanayn sidoo kalena qoyska aynan haysan gaas uu dab ka dhalan karo.
Mbarire ayaa shacabka ismaamulka Embu u xaqiijisay in dayactir lagu sameyn doono baabuurta waaxda dab damiska si ay falcelin degdeg ah u sameyaan marka ay dhibaatooyinka noocani ah dhacaan.
Meydadka toddobada qof ee dabka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee Embu .