Guddiga daawooyinka oo sharci darro ku tilmaamay daawada ‘Sophia’

0
429

Guddiga dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada daawooyinka iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ee (PPB) ayaa bayaan ka soo saaray daawo loo yaqaano Sophia oo la iibinaya.
Qoraalka guddiga waxaa ku cad in daawadan oo laga keenay Shiinaha ay sharci darro tahay.
Tani ayaa timid ka dib barnaamij dabagal ah oo ay sameysay warbaahinta maxalliga ee Citizen.
PPB ayaa sheegtay in daawadan ay tayo ahaan hooseyso , ay faalis tahay oo ayna khatar gelinaysa caafimaadka dadweynaha.
Guddiga ayaa xusay in daawadan uunan diiwaangelin sidaas awgeedna aan la ansaxin in lagu iibiyo gudaha wadanka.