Tirada dadkii ku dhintay isbuurashadii Indonesia oo korortay

0
349

Murugo wayn ayaa ka jirta maanta saaxadda kubadda cagta ee caalamka waxaana loo barooranaya dhimashada 174 qof oo ku geeriyooday garoon ay ka socotay ciyaar derby ahayd oo aad loogu xifaaltamayay, ka dib markii ay taageereyaal tiro badan oo kooxdooda laga badiyay ay gudaha u soo galeen garoonkaasi, islamarkaana ay halkaasi isbuurasho ka dhacday.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay bariga gobolka Java.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliska ee ku sugnaa garoonka ay cayaarta ka socotay ee adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa.
Dowladda Indonesia ayaa ku dhawaaqday baroordiiqda 174 qof oo geeriyootay iyo boqollaal kale oo ku dhaawacmay garoonka kubadda cagta ee Kanjuruhan Stadium ee ku yaalla magaalada Malang ee bariga gobolka Java, halkaas oo taageereyaasha kooxda Arema FC oo ka careysan guuldarro 3-2 ah oo kooxdoodu kala kulantay Persebaya Surabaya ay si gadoodsan ugu soo galeen garoonka.
Muuqaallo argagax leh oo laga soo duubay garoonka ayaa muujinaya taageereyaal tiro badan oo u soo qulqulaya gudaha garoonka iyo ciidamada booliska oo adeegsanaya sunta dadka kaga ilmaysiisa.
Hase yeeshee markii ay u taag waayeen ayay xabbad fureen, waxayna dhimashadu sii maraysaa 174 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo boolis ah iyo carruur.
Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay si aad ah sare ugu kacdo, sababtoo ah waxa badan dadka xaaladdoodu halista tahay ee wali dhaawacooda ay la tacaalayaan dhakhaatiirta
Akhmad Hadian Lukita oo ah madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee dalka Indonesia ayaa sheegay in uu aad uga murugeysan yahay waxa dhacay oo uu ku tilmaamay musiibo.
Horyaalka Indonesia ayaa dhammaan toddobaadkan hakad la geliyay, sida uu go’aamiyay xiriirka kubadda cagta ee wadankaasi, halka kooxda ay taageereyaasheeda dhibaatada gaysteen ee Arema laga mamnuucay in mar dambe lagu ciyaaro garoonkeeda xilli ciyaareedkan.