7 qof oo hal qoys ah oo ku dhintay guri ku gubtay Embu

0
556

Toddobo ruux oo hal qoys ka wada tirsan ayaa ku geeriyooday tuulada Ngimari ee deegaanka Runyenjes ee ismaamulka Embu ka dib dab xalay qabsaday gurigooda.
Waxa isugu jiraan aabbe , xaaskiisa , saddex carruur ah oo ay dhaleen iyo labo ay ilmahooda dhaleen.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijisay guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matasho bariga Embu Jane Waruinge .
Waxay intaasi ku dartay inay socdaan baaritano lagu xaqiijinaya waxa sababay dabka.