Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta tagay ismaamulka Homa Bay.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galay munaasabadda kaniisadda AIC ka hor inta uunan goob fagaare ah kula hadlin dadweynaha.
Waa socdaalkiisi ugu horreeyay ee uu Ruto ku tagay gobolka Nyanza tan iyo markii hoggaanka wadanka loo caleema saaraya 13-kii bishii Sagalaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in kastoo aynan waqti xaadirkan ku sugnayn gudaha dowlad deegaankaasi, inay ku soo dhaweynayso hoggaamiyaha wadanka.
Eliud Owalo oo uu madaxweynaha dalka u magacaabay wasiirka isgaarsiinta ayaa ku wehelinaya safarkiisa Homa Bay.
Owalo oo ay horay xulafo ahaayeen Raila Odinga ayaa xilligii ololaha doorashada ka mid ahaa shakhsiyaadka uu William Ruto ku tashado ee gobolka Nyanza.
Waxaa sidoo kale madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinaya barasaabyadii hore ee ismaamullada Migori iyo Kisumu ee kala ah Okoth Obado iyo Jack Ranguma .
William Ruto oo la hadlayay shacabka ku nool magaalada Homa Bay ayaa sheegay inay jiraan mashaariic wax looga qabanaya adeegyada biyaha ,maareynta wasaqda iyo waddooyinka ee ismaamulkaasi oo lagu qarash gelinaya 2 bilyan oo shilin.
Waxaa uu sheegay in bisha soo socoto uu dib ugu laaban doono Homa Bay si uu u daahfuro dhismaha guriyo gaaraya 2,000 oo ay shacabka ku degi karaan qiimo ay awoodaan.