Nuurdiin Xaaji oo ku biiray ururka caalamiga ee dacwad oogayaasha

0
515

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa xubin ka noqday golaha fulinta ee ururka caalamiga ee dacwad oogayaasha ee IAP.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday shirweynaha 27-aad ee ururka IAP oo toddobaadkan lagu qabtay caasimadda dalka Georgia ee Tbilisi.
Nuurdiin Xaaji oo ka mahadceliyay magacaabidiisa ayaa ballanqaaday inuu adkeyn doono wada shaqeynta caalamiga ee dhinaca dacwad oogidda.
Waxaa uu ku matali doonaa qaaradda Afrika iyo gobolka loogu magacdaray badwaynta India ee Indian Ocean Region oo ay hoos tagaan Australia, Koonfurta bari ee qaaradda Aasiya, geeska Afrika, Koonfurta iyo bariga Afrika.
Waxaa uu ka shaqeyn doonaa xoojinta istaratiijiyooyinka lagula tacaalo dembiyada abaabulan ee laga sameeyo dalalka kala duwan.
Sidoo kale waxaa uu sare u qaadi doonaa iskaashiga heer goboleed iyo heer caalami ee dacwad oogidda ka dhanka ah dembiyadan.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga caalamiga ee sharci yaqaannada ee ICJ uu agaasimaha waaxda dacwad oogidda ee dalka Nuurdiin Xaaji u aqoonsaday sharci yaqaanka sanadka.