Morocco: 19 qof oo u dhimatay Khamri ay cabeen

0
205

Ugu yaraan 19 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dalka Morocco halka tiro intaasi ka badan isbitaallada la dhigay ka dib markii ay cabeen Khamri sumeysan oo laga soo iibiyay dukaan ku yaalla deegaan ka tirsan waqoooyiga wadankaasi.
Taliska guud ee nabadsugidda qarankaasi ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inuu gacanta ku soo dhigay nin 48 sano jir ah oo looga shakisan yahay in dadka waxyelladu soo gaartay uu ka iibiyay Khamriga sumeysan.
Dhibbanayaasha ayaa loo malaynaya inay cabeen Khamri sun ah oo yaalay dukaanka eedeysanaha la qabtay, halkaas oo markii dambe ay saraakiisha dambi baarista ee dalkaasi ay soo heleen ku dhawaad 50 litir oo dareerahaasi ka mid ah sida warbaahinta guduha sheegtay.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee wadanka Morocco ayaa sheegay in billowgii isbitaalka la geeyay 9 dhimasho ah ka dibna ay 19 gaartay geerida, halka in ka badan 30 kalena la dawaynayo kuwaas oo badankooda ay xaaladoodu liidato.
Sidoo kale saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dhibbanayaasha ay ka sheeganayeen madax xanuun, calool xanuun iyo matag fara badan.
Sharciga dalka Morocco ayaa mamnuucaya in Khamriga laga iibiyo dadka muslimiinta ah, balse waxaa si fudud looga helaa baararka, makhaayadaha iyo bakhaarada qaar oo si qarsoodi ah loogu iibiyo goobo gaar ah oo aysan saraakiisha ammaanka si sahlan u arki karin.
Bishii 7-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ugu yaraan 20 qof ay u geeriyoodeen dhacdo midaan la mid ah oo laga soo tabiyay dalka Morocco.