Madaxweynaha dalka oo amray in miisaaniyad sanadeedkan lacag laga jaro

0
439

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku amray hanti dhowraha guud ee qaranka inuu ka jaro 300 oo bilyan miisaaniyad sanadeedka 2022/23 si loo yareeyo culeyska kharashaadka dowladda iyo lacagaha amaahda ah uu shisheeyaha wadanka ku leeyahay.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka oo shalay Khudbad u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare islamarkaana uu si rasmi ah u furay baarlamaanka 13-aad ee dalka, ayaa sheegay in dhimista kharashaadka dowladda ay ku xiran tahay dhimista baahida amaahda ee dowladda taasoo lagu qiyaasay 900 oo bilyan sanad maaliyadeedka.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay tahay inaan marnaba la amaahan si loo maalgeliyo kharashaadka soo lalaabta taas beddelkeedana ay tahay in dalka iyo dadka la gaarsiiyo horumar iyadoo amaahda la dhimayo.
Sida laga soo xigtay xogta khasnadda qaranka kharashaadka ku baxaya dhammaan sanad maaliyadeedka 2022/23 ayaa lagu qiyaasay 3.358 tiriliyan marka loo eego dakhliyada lagu saadaaliyay oo ahaa 2.462 tiriliyan oo shilin.