Israa’iil oo dishay 4 qof oo Falastiiniyiin ah

0
282

Ciidamada Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay afar qof oo u dhashay dalka Falastiin ay ku dileen halka ugu yaraan 44 kalena ay ku dhaawaceen howlgal ay ka fuliyeen xero qaxooti oo ku taalla magaalada Jenin ee waqooyiga daanta galbeed.
Baabuurta militariga Israa’iil ayaa abaare 8-dii subaxnimo ee saaka xeradaasi gudaha u galay.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa afarta qof ee la dilay magacyadooda ku kala sheegtay Axmad Alawneh, Abed Hazem, Maxamad al-Wanneh iyo Maxamad Abu Naa’sah.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegay inuu toogasho ku dilay labo eedeysanayaal oo dhawaan weerarro gaystay.