Maraykanka:Duufaan koronto la’aan dhigtay 2 milyan oo qof

0
287

Duufaanta xooggan ee loo yaqaano Hurricane Ian, ayaa lagu soo warramayaa inay saameyn ku yeelatay gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Sidoo kale daadad halkaasi ku dhuftay ka dib ayaa waxaan adeegga korontada haysan 2 milyan oo qof.
Ka hor musiibadan ilaa 2.5 milyan oo qof oo ku nool Koonfurta Galbeed ee Florida ayaa lagu amray inay halkaasi ka guuraan.
Duufaanta ayaa horay u saameysay dalka Cuba oo ay ugu dhinteen labo qof .