Maamulka NMS oo shaqooyinkiisa ku wareejinaya barasaabka Nairobi

0
293

Agaasimaha guud ee maamulka ay dowladda dhexe u xil saartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee caasimadda wadanka ee NMS Maxamad Badi ayaa lagu wadaa inuu maalinka Jimcada ee toddobaadkan waajibaadka shaqo ee maamulkiisa ku wareejiyo barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan uu soo saaraya agaasimaha isgaarsiinta ee dowlad deegaanka Nairobi Beryl Okundi.
Xilligii la dhaarinayay Sakaja ayuu agaasimaha guud ee NMS ballanqaaday in dhammaan shaqooyinkii sanado ka hor laga wareejiyay Mike Sonko dib loogu celin doono dowladda hoose ee Nairobi.
Maxamad Badi waxaa uu xusay in maamulka NMS uu ka soo baxay dhammaan shaqooyinkii uu u igmaday madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta .
Adeegyadan waxaa ka mid ah kuwa caafimaadka iyo nadaafadda.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Nairobi Johnson Sakaja ayaa lagu boorriyay inuu dhameystiro mashaariicda horumarineed ee uu billaabay maamulka NMS.