Maamulka qaran ee la dagaalanka isticmaalka daroogada ee (NACADA) ayaa billaabay barnaamij uu ku bartilmaameedsanaya madaxda diimeed si ay qayb uga noqdaan ololahan.
NACADA ayaa shir wacyi gelin ah u qabatay culimo ka soo jeeday 6-da deegaan baarlamaneed ee ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta.
Waxaa kulanka diiradda lagu saaray saameynta isticmaalka daroogada iyo kaalinta ay culimada ka qaadan karto baraarujinta dhallinyarada.
Shirka oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah imaamyada masaajidda Mombasa ayaa waxaa goobjoog u ahayd agaasimaha guddiga NACADA Farida Rashid.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay horay shirar noocani ah ugu qabteen ardayda iyo qaybaha kale ee bulshada.
Farida ayaa laga soo xigtay in barnaamijkan looga gol-leeyahay in lagu yareeyo tirada carruurta ee isticmaalaya maandooriyaha.
Saraakiisha maamulka NACADA ayaa laga soo xigtay in gudaha ismaamulka Mombasa keliya , ugu yaraan 8,000 oo qof ay daroogada irbad ahaan u qaataan ama isugu duraan.
Xoghayaha abaabulka ee golaha ducaadda iyo imaamyada ee (CIPK) laantiisa ismaamulka Mombasa Sheekh Maxamuud Cabdullahi ayaa dowladda ugu baaqay inay fiiro gaar ah u yeelato isticmaalka balwadda.