Madaxweyne ku xigeenka dalka oo guddoomiyay shir amni

0
253

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa guddoomiyay shir amni oo ay ka qayb galeen madaxda ammaanka ee gobollada , barasaabyo iyo mas’uuliyiinta 6 ka mid ah ismaamullada wadanka oo ay saameeyeen dhacdooyin amni darro ah.
Ismaamulladan ayaa kala ah West Pokot, Turkana, Samburu, Laikipia, Baringo iyo Elgeyo Marakwet.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu Gachagua ku sheegay in dowladda dhexe ay dhaqangelin doonto talooyin loo soo jeediyay si loola tacaalo dhaca xoolaha iyo falalka kale ee liddi ku ah xasiloonida dowlad deegaannadan.
Rigathi Gachagua ayaa xusay in maamulka madaxweyne William Ruto uu adeegsan doono siyaasad uu si dhow ula shaqeynaya ismaamullada si xal loogu helo caqabadaha ay amni darrada ka midka tahay ee ay kenyaanka wajahayaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii weerar burcadnimo oo laga gaystay tuulada Kakiteitei ee ismaamulka Turkana lagu dilay 11 ruux.