Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shalay hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi u magacaabay madaxa wasiirrada ee wadanka.
William Ruto ayaa xusay in Mudavadi uu noqonaya mas’uulka saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda, marka laga reebo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Madaxweynaha dalka ayaa qeexay shaqada uu qabaan doono Musalia Mudavadi.
Waxaa uu madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa ka caawin doona isku xirka iyo kormeeridda howlaha xukumadda.
Mr. Mudavadi ayaa kormeeri doona lana socon doona mashaariicda iyo barnaamijyada dowladda dhexe.
Waxaa kale oo loo igmaday inuu isku dubarido ajendaha sharci dejinta ee dowladda.
Sido kale Mudavadi ayaa qaban doona howlkasta oo kale oo uu madaxweynaha u xilsaaro.