Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday qareen kenyaan oo ka mid ahaa marqaatiyaasha maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Ciidamada booliska iyo xubnaha qoyskiisa ayaa xaqiijiyay in meydka Paul Gicheru laga dhex helay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Ciidamada ammaanka ayaa tagay hooyga Gicheru waxaana la filaya inay soo saaraan bayaan rasmi oo ku saabsan geerida garyaqaanka.
Bishii 11-aad ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii Paul Gicheru uu isu dhiibay maxkamadda ICC ka dib sanado uu dafirayay amar lagu soo xiraya oo la soo saaray bishii saddexaad ee 2015-kii.
Mr.Gicheru ayaa ku eedeysnaa in si aan habboonayn uu ula macaamilay marqaatiyaasha dacwaddii ka dhanka ahayd hoggaamiyaha dalka William Ruto, wariye Joshua Arap Sang iyo Henry Kosgey.