Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay Eliud Kipchoge

0
317

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray waxay ugu hambalyeeyay orodyahaanka Eliud Kipchoge oo markii afaraad ku guuleystay tartarka orodka ee Berlin Marathon ee ka socdo wadanka Jarmalka.
Sidoo kale waxaa hambalyo tan la mid ah diray hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu tartanka ee masaafada 42 kiilomitir ku soo gabagabeeyay 2:01:09 daqiiqo isagoo ku guulaystay biladda dahabka.
Mark Korir oo sidoo kale u dhashay Kenya ayaa soo galay kaalinta labaad, isagoo ku arday 2:05 daqiiqo.
Waxaa uu ku guuleystay biladda maarta.
Eliud Kipchoge ayaa sanadkii hore difaacday rikoor uu dunida ka dhigay sanadkii 2016-kii, isagoo ku guuleystay tartankii orotanka ee cayaaraha Olimbikada ee lagu qabtay dalka Japan.
Kipchoge ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inuu ka mid yahay orodyahanada ugu wanaagsan dunida ee wacadaraha dhigay.