William Ruto oo sheegay in Kenya lagu leeyahay deymo badan sidaas awgeedna uu dalka wajahaya culeysyo dhaqaale

0
492

Waxaa xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi ka socoto munaasabad isugu jirta duco iyo mahadcelin oo ay hoggaaminayaan madaxweynaha wadanka William Ruto iyo marwadiisa Rachel Ruto .
Munaasabadda ayaa ka dhacaysa goobta loo yaqaano State House Gardens .
Waxaa ka qayb galaya madaxda diimeed iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay hoggaamiyaha labaad ee dalka Rigathi Gachagua .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saaka dib uga soo laabtay safar dibadeed oo maalmo qaatay.
Waxaa uu ka qayb galay aaska boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay sidoo kale kulankii qaramada midoobay ee magaalada New York .
William Ruto ayaa dhawaan sheegay in Kenya lagu leeyahay deymo badan sidaas awgeedna uu dalka wajahaya culeysyo dhaqaale.
Waxaa uu madaxda diimeed ka codsaday inay wadanka u duceeyaan si ay u fududaadaan caqabadaha jira.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in boqolkiiba 65 ee dakhliga laga helo uruurinta canshuurta in lagu bixiyo deymaha shisheeye.