Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay khudbaddiisa ugu horreysay ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobaday ee (UNGA) ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay in ay taageerto sanduuqa caalamiga ah iyo fulinta bartilmaameedyada lagu heshiiyey ee looga gol leeyahay la dagaalanka cudurrada HIV, Qaaxada iyo Duumada.
Waxaa uu ku boorriyay dowladaha kale ee waddamada Afrika in ay iska kaashadaan la dagaalanka saddexda cudur iyadoo la uruurinayo agabka loo baahan yahay, si looga hortaggo xanuunadan.
“Tobaneeyo sano, Afrika waxa ay soo martay dhibka ugu badan ee saddexdan cudur, waxaan ku bogaadinayaa iskaashiga hal abuurka leh sida sanduuqa caalamiga ah oo wax looga qabto xanuunadan,” ayuu yiri William Ruto.
Waxa uu ugu baaqay dhammaan dalalka fulinaya barnaamijyada sanduuqa caalamiga ah, gaar ahaan waddamada Afrika in ay safka hore kaga jiraan sidii loogu guulaysan lahaa cudurradan.