Biden oo cambaareeyay hanjabaada Ruushka ee ah inuu adeegsan doono hubka nukliyeerka

0
466

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka ay xukumaadda Moscow ku qaadday wadanka dariska la ah ee Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha Ruushka Vladamir Putin uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal islamarkaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.
Madaxweynaha Maraykanka oo khudbad ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobaday ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka.
“Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee axdiga qaramada midoobay, kaas oo si cad u mamnuucaya in waddamada ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah” ayuu yiri Biden
Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushka ee 24-kii bishii labaad ee sanadkan.