Dowladda Kenya oo digniin ka soo saartay cudurka Ebola

0
406

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa soo saartay digniin ku aadan cudurka Ebola ee uu qof shalay ugu geeriyooday wadanka Uganda.
Waxaa ay dowladaha ismaamullada ka codsatay inay feejignaadaan oo ay xoojiyaan ilaalinta xuduudaha gaar ahaan sohdinta wadanka uu la wadaago dalka Uganda.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa kula taliyay guddoomiyaasha ismaamullada in ay howlgaliyaan kooxaha ka hortagga xaaladaha degdeg ah, si ay u soo gudbiyaan haddii dalka laga diiwaangeliyo kiisas la xiriira xanuunka Ebola.
Mr. Kagwe ayaa xusay in maamullada dowlad deegaannada wadanka laga doonaya in ay fuliyaan baaritaannada dadka cudurka halista ugu jira sida dadka safarka ah, darawallada kaxeeya gawaarida xamuulka ee u kala goosha waddamada dariska la ah dalka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda ayaa shalay shaacisay in tan iyo sanadkii 2019-kii ay markii ugu horreysay diiwaangelisay dhimashadii koowaad ee ka dhalatay cudurka Ebola.
Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka qaybteeda qaaradda Afrika Matshidiso Moeti ayaa laga soo xigtay inay tahay markii ugu horreysay in ka badan toban sano oo Uganda laga diiwaangeliyay faraca Ebola ee sanadkii 1976-dii ka dillaacay dalka Suudaan.