Saameynta abaarta daba dheeraatay ayaa laga dareemaya ismaamulka Marsabit gaar ahaan deegaan baarlamaneedyada Laisamis iyo North Horr.
Boqolkiiba 30 ee carruurta ay da’doodu ka hooseyso shan sano ee deegaannadan ku nool ayay nafaqo darro haysataa.
Hay’adda laanqayrta cas ee Kenya ayaa laga soo xigtay in tani ay micnaheedu tahay in mid ka mid ah carruurta qoys waliba oo ku nool deegaanada fogfog ay dhibaatadan haysato.
Katarina Letawa oo ah hooyo dhashay toban carruur ah ayaa sheegaysa in dariskeeda wax ku dhaama ay garab ku siinayaan inay carruurta qaar u xanaaneeyaan.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in boqolkiiba 45 ee dhimashada carruurta da’ ahaan ka hooseeya 5 sano loo tiiriyo nafaqada oo aan ku filnayn.
Sanadkii 2020-kii, WHO ayaa diiwaangelisay in guud ahaan caalamka, 149 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu tahay 5 sano iyo wax ka yar aynan u korin sidii laga doonayay.
Xaaladaha ugu badan ee dhibaatooyinkan ayaa laga diiwaangeliyaa waddamada uu dhaqalahoodu hooseeyo ama heer dhexe maraya.