Guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC ayaa maanta billaabi doono wareysiyo uu la yeelanaya 20 xaakinno ah oo doonayo in la shaqaaleysiiyo si ay ugu biiraan maxkamadda sare ee wadanka.
Wareysiyada ayaa lagu qaban doonaa qaybta shirarka ee JSC wuxuuna qorshuhu yahay in howshan la soo gabagabeeyo 3-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Guddiga adeegga waaxda caddaaladda dalka ayaa arrintan maanta bayaan ku shaaciyay.
Sida ku qeexan farqada 172-aad ee dastuurka dalka , JSC oo ay hoggaamiso madaxa caddaaladda wadanka Martha Koome ayaa laga doonayo inay xoojiso oo ay dardargeliso madax bannaanida iyo la xisaabtanka garsoorka si adeegyada ay waaxdan u fidiso shacabka ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah , waxtar leh oo ay daahfurnaan ku dheehan tahay.
JSC ayaa hoosta ka xarriiqday in fursadaha bannaan ee ay garsoorayaasha cusub buuxin doonaan la xayeysiiyay 24-kii bishii Saddexaad ee sanadkan waxaana xulashada isugu so haray 104 qof.
Shakhsiyaadka wareysiyada lala yeelan doono waxaa ka mid ah ku xigeenka diiwaangeliyaha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court Daniel Kanyinke Ole Keiwua madaxa maxkamadda hoose ee Makadara Emily Ominde, Prof. Nixon Wanyama Sifuna, oo qareen ah ,Derrick Kuto oo ah madaxa ururka garsoorayaasha , madaxa maxkamadda hoose ee Nyeri Wendy Kagendo iyo Lawrence Mugambi, oo ah garsoore sare oo ka howlgalo maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha musuqmaasuqa.