Dowladda Australia ayaa si ku meel gaar ah u joojisay iskaashigii militari ee ay la ahayd Myanmar.
Waxaa arrinkan shaacisay wasiirrada arrimaha dibadda ee Australia Marise Payne.
Mrs. Payne ayaa intaa ku dartay in ay saraakiisha ammaanka ee dalkaas ugu baaqayaan in ay aad isu xakameyaan oo ayna iska ilaaliyaan ku xadgudubka shacabka.
Go’aankan ayaa ku soo beegmay xilli walaac laga muujinaya rabshada sii kordhaya ee ka dhashay dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembigii militari ee Myanmar ka dhacay bishii labaad ee sanadkan.