Ururrada ganacsiga ee Myanmar oo shaqo joojin sameynaya

0
509

Waxaa maanta dalka Myanmar ka dhaqan galaya baaq ay soo saareen mas’uuliyiinta ururrada ganacsiga oo ay xubnaha kala duwan u soo jeediyeen in ay billaabaan shaqo joojin qaran.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah cadaadiska la saaraya ciidamada militariga wadankaas ee koowdii bishii hore hoggaanka qaab afgembi ah kula wareegay.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo dhanka kale saraakiisha ammaanka ay sii laba jibaareen sida ay uga falcelinayaan dibadbaxyada lagu dalbanaya in talada dib loogu celiyo maamulkii rayidka ee laga faro-maroojiyay.
Ugu yaraan sagaal urur oo ah kuwa dhismaha , beeraha iyo wax soo saarka ayaa shacabka Myanmar ku wargeliyay in ay joojiyaan shaqo kasta oo gacan ka gaysanaysa kobaca dhaqaale ee dalkaas.