Waxaa la xaqiijiyay in 6 qof oo carruur u badan ay ku dhinteen xeebta dalka Turkiga ka dib markii ay degtay doon sidday.
Waxaa doonta saarnaa qaxooti ka soo tagay dalka Lubnaan waxayna ku wajahnayd Talyaaniga ka hor inta aynan quusan.
Ciidamada ilaalada xeebta Turkiga ayaa sheegay in dhacdadan laga soo tabiyay Koonfurta Galbeed ee wadankaasi.
Bayaan ay ciidamadu soo saareen ayay ku sheegeen in la soo badbaadiyay 73 qof oo isugu jiro qaxooti iyo soo galooti oo la socday afar doomood.
Waxaa hadda socdo howlgal samatabixin ah oo lagu raadinaya shan qof oo weli la la’yahay.