Garsoorayaal uu magacaabay madaxweynaha dalka oo maanta la dhaarinaya

0
1524

Waxaa uu qorshuhu yahay in xilalkooda loo dhaariyo 6 garsoorayaal ah oo uu galinkii dambe ee shalay magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Hoggaamiyaha cusub ayaa shalay sheegay inaynan jirin sabab looga gaabiyo ansaxinta magacyada xakinnadan oo uu soo gudbiyay guddiga JSC.
Waxaa uu ku celceliyay inay ka go’an tahay xaqiijinta madax bannaanida waaxda garsoorka ee dalka.
Waxay ahayd tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday Ruto ka dib markii uu hoggaanka wadanka la wareegay.
Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa horay magacyada xaakiinnadan iyo kuwo kale ugu wareejiyay Uhuru Kenyatta.
Liiskaasi ayaa ka koobnaa 41 in kastoo mid ka mid ah uu geeriyooday.
Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer ka dib soo magacaabay 34 ka mid ah xaakiinnada isagoo 6 dhinac iskaga dhigay.
Madaxweynaha cusub ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday si loo dardargeliyo helidda adeegyada caddaaladda.
Afar ka mid ah garsoorayaasha ayaa ku biiraya maxkamadda racfaanka halka labada kale ay ka mid noqonayaan howlwadeennada maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Garsoorayaasha uu William Ruto ansaxiyay inay ka mid noqdaan shaqaalaha maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa kala ah Korir Weldon Kipyegon, Muchelule Aggrey Otsyula, Odunga George Vincent iyo Prof. Joel Mwaura Ngugi.
Makori Evans Kiago iyo Cheruiyot Omange ayaa ku biiraya maxkamadda deegaanka iyo dhulalka.