Qaramada midoobay oo codsatay iskaashi ka dhan ah dhibaatooyinka dunida

0
230

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan daafaha caalamka.
Xilli uu ka hadlayay furitaanka kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ayuu sheegay inay qasab tahay in waddamada caalamka ay wax ka qabtaan isbeddelka cimillada iyo dagaallada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dunidu ay khatar wajahayso marka la eego xoojinta amniga , xuquuqul aadanaha iyo in lagu tallaabsado horumar waara.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay saameynta isbeddelka cimillada , dagaallada , saboolnimada , sinnaan la’aanta , baahida , kala qayb sanaanta iyo hannaanka maaliyadeed ee caalamka oo uu ku tilmaamay inuu u muuqdo mid jabay.
Waxaa uu xusay in la tacaalidda caqabadahan ay u baahan tahay in la is garabsado .