William Ruto oo kulan la qaatay madax kala duwan

0
372

Madaxweynaha la doortay ee maanta loo dhaarinayo hoggaanka wadanka William Samoei Ruto ayaa la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha waddamada qaaradda Afrika ee dalka yimid si ay uga qayb galaan caleema-saarkiisa.
Qoraallo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Ruto ku sheegay inuu xafiiskiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi shirar kula yeeshay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame,dhigiisa Congo Felix Tshisekedi, hoggaamiyaha Mozambique Filipe Nyusi, wakiilka dowladda Shiinaha ee arrimaha Afrika Liu Yuxi iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.
Waxaa uu xusay in Kenya ay ka mahadcelinayso xiriirka saaxiibtinnimo ee kala dhexeya jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Ruto ayaa sheegay in iskaashigan uu horseeday fursado dhaqaale iyo kuwo bulsho oo ay ka faa’iidayaan shacabka labada dhinac.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga Kenya kala dhexeya Shiinaha ee dhanka kaabayaasha horumarineed , wax soo saarka beeraha , tacliinta iyo arrimo kale.
Sidoo kale William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay sii wadi doonto doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka si loo dardargeliyo horumarka dhaqaale ee qaaradda Afrika.
Ruto waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa uu sii xoojin doono xiriirka dalka kala dhexeya Mozambique iyo Israa’iil ee dhanka wax soo saarka , tiknolojiyadda iyo amniga.