Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta xilli uu ku sugnaa deegaanka bartamaha Igembe ee ismaamulka Meru dhallinyarada ku boorriyay in ay aad uga feejignaadaan siyaasiyiin uu sheegay in ay rabshado adeegsadaan si ay ugu meel maraan danahooda gaarka ah.
Waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay in la joogo xilligii isbeddel lagu sameyn lahaa siyaasadda dhaqaale ee wadanka.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in taageero buuxda la siiyo ganacsatada yaryar.
Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayuu u sheegay in aynan marnaba ka gaabin gudashada waajibaadkooda ka saaran sugidda amniga oo aynan u daneyn keliya siyaasiyiinta.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xilli uu ka hadlayay qorshaha dowladda ee ku aaddan taageeridda dhallinyarada , ganacsatada yaryar iyo digniinta uu u jeedinaya da’yarta waxaa uu yiri.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo dhallinyarada uga digay in aynan adeegsan siyaasiyiinta rabshadaha kiciya