Waaxda garsoorka dalka ayaa beenisay warar lagu baahiyay barta Twitter-ka, oo lagu sheegay in ay iscasileen ku xigeenka madaxa cadaaladda ee wadanka Philemena Mwilu iyo garsooraha maxkamadda sare Smokin Wanjala.
Qoraal ay waaxda garsoorka soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku tilmaantay wararkaas kuwo been abuur ah.
Shakhsi adeegsada barta Twitter-ka ayaa soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu hayo xog ku saabsan iscasilaadda labada garsoore.
Waxaa uu intaasi ku daray in iscasilaadooda ay u gudbiyeen diiwaangeliyaha guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
Fake pic.twitter.com/cpPcLMal01
— The Judiciary Kenya (@Kenyajudiciary) September 11, 2022