Hay’adaha aan dowliga ahayn oo la shaqeyn doono maamulka Ruto

0
231

Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha aanan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono maamulka cusub ee uu hoggaaminaya madaxweynaha la doortay William Ruto.
Waxaa golahan uu ka kooban yahay in ka badan 12,000 oo xubnood.
Bayaan ay soo saareen ayay hoosta uga xarriiqeen inay wada shaqeeyn hoose la yeelanayaan dhammaan madaxda la soo doortay ee dowladda sare iyo ismaamullada.
Guddoomiyaha qaran ee golahan , Stephen Cheboi ayaa xusay in marka ay dantu keento ay sida habboon u dhaliili doonaan waxqabadka dowladda haddii aynan ku qancin.
Waxaa uu dhammaan shacabka ku boorriyay inay garab siiyaan maamulka cusub balse ay ku dadaalaan in dowladda lagula xisaabtamo oofinta ballanqaadyadii ay kenyaanka u sameysay xilligii lagu guda jiray ololihii doorasho.