564 gabdhood oo deegaanka Kibera kula kulmay dhibaateyn dhanka galmada ah

0
832

Ugu yaraan 564 gabdhood oo ku nool xaafadda isku raranta ah ee deeegaanka Kibera ee magaaladatan Nairobi ayaa la sheegay in intii u dhaxeysay sanadihii 2018 iyo 2021-ka ay la kulmeen dhibaatooyin dhanka galmada ah.
Warbixin ay soo saartay hay’ad uu fadhigoodu yahay deegaanka Kibera kana shaqaysa awood siinta haweenka iyo gabdhaha ee xaafadaha isku raranta ayaa sheegtay in boqolkiiba 25 gabdhaha ku nool xaafaddaan ay la kulmaan falal anshax xumo ah.
Sahankan ayaa laga sameeyay 20 dugsi oo ku yaala deegaanka Kibera.
Waxaa ay gabdhahaan muddo laba sano ay la kulmayeen dhibaatayn xagga galmada ah oo baahsan.
Hay’adda baaritaanka sameysay ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatadan si loo badbaadiyo gabdhaha da’yarta.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Esther Passaris oo ka hadashay intii lagu guda jiray soo badhigida warbixinta ayaa wacad ku martay in ay baarlamaanka horgeyn doonto arrinkan toddobaadka dambe islamarkaana ay hubin doonto hindisaha sharciga galmada ee la ansaxiyay sanadka 2016-ka taas oo looga gol lahaa in carruurta yar yar laga ilaaliyo nooc kasta oo dhibaateyn galmo ah.
Agaasimaha fulinta ee ururka haweenka iyo isgaarsiinta Afrika (FEMNET) Memory kachambwa ayaa sheegtay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu si deg deg ah wax uga qabto ka hor xadgudubyadan inta aysan aririntan faraha ka bixin.