Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC iyo xisbiga Wiper ku amartay inay liiska siyaasiyiinta la magacaabay ku soo daraan magaca Abubakar Talib oo ka mid ah ganacsatada Mombasa.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Joseph Sergon oo sheegay inuu ansax yahay qoraal ay 21-kii bishii Toddobaad ee sanadkan IEBC ka guddoontay Wiper oo muujinayay in Abubakar Talib uu yahay xildhibaan si magacaabid ah ugu biiraya baarlamaanka.
Garsooraha ayaa aqbalay racfaan uu qaatay Talib ka dib markii magaciisa lagu beddelay Lucas Mulinge .
Xisbiga Wiper oo isbeddelkan sameeyay ayaa markii dambe Abubakar Talib u magacaabay inuu ku biiro golaha hoose ee wakiillada ismaamulka Mombasa taasoo uu sheegay inuunan codsan.