Guddoomiyaha ismaamulka Siaya ,James Orengo ayaa hakiyay adeegyada waaxda soo iibsashada agabka iyo in la bixiyo lacagaha deymaha ah ee lagu yeeshay dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu xusay in amarkan uu shaqeyn doono ilaa inta laga sameynaya baaritaan hanti-dhowr ah.
James Orengo ayaa dhanka kale beeniyay warbixinno tilmaamaya in guriyo loo dhisayo isaga iyo ku xigeenkiisa.
Waxaa uu sheegay in aan la bixin qandaraas sax ah oo arrinkan ku aaddan.
Guddoomiyaha oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa William Oduol iyo xoghayaha ismaamulka Siaya Joseph Ogutu ayaa cambaareeyay sarkaal sare oo la sheegay inuu dhagax dhigay dhisidda guriyahan.
James Orengo waxaa uu cadeeyay in hadda aynan jirin miisaaniyad loo qoondeeyay dhisidda hooyga barasaabka iyo barasaab ku xigeenka ismaamulka Siaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in sarkaalka qorshahan ka hadlay laga qaadi doono tallaabo edbin ah.
Following our departmental heads meeting it has been decided that payment of all Pending Bills as at 30th June, 2022 are suspended until an audit is done. This includes an end to end verification of pending bills including procurement & certification of works done/goods supplied. pic.twitter.com/1eT0TWNpKd
— James Orengo (@orengo_james) September 8, 2022