Kalozo Musyoka oo iskaga haray tartanka xilka guddoomiyaha ee aqalka sare

0
388

Madaxa xisbiga Wiper Kalozo Musyoka ayaa lagu soo warramayaa inuu iskaga haray tartanka xilka guddoomiyaha ee aqalka sare oo lagu waday inuu qayb ka noqdo.
Arrintan ayaa waxaa ku dhawaaqay karaaniga aqalka senate-ka Mr. Jermiah Nyegenye xilli uu akhrinayay dhammaan magacyada toddobada musharrax ee jagadan daneyneysay.
Karaaniga aqalka sare ayaa sheegay in Kalonzo uu soo gudbiyay warqad ku taarikheysan 8-da bishan ee maanta ku beegan, taas oo ku xusneyd inuu tartanka isaga haray.