Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 11-ka barqanimo ee maanta uu khudbadiisi ugu dambeeysay jeediyo guddoomiyaha baarlamaanka ee xafiiska banneynaya Justin Muturi .
Muturi ayaa noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaanka ee ku shaqeeyo dastuurka la soo saaray sanadkii 2010-kii.
Waxaa uu xilkan hayay intii u dhexeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2022-ka.
Ka hor doorashadii guud ee 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayuu Muturi oo horay uga tirsanaa Jubilee ku biiray isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxaa uu hadda ka mid yahay xubnaha guddiga ka shaqeynaya sidii William Ruto uu 13-ka bishan ula wareegi lahaa hoggaanka dalka.